Su’aalo iyo jawaabo
Halkan waxaad ka heleysaa jawaabaha su'aalaha caadiga ah oo ku saabsan shaqada adeegga bulshada ee carruurta iyo qoysaska.
Ku saabsan adeegga bulshada
Waa maxay adeegga bulshadu?
Adeegga bulshada wuxuu ka jiraa degmo kasta, waxayna ka shaqeeyaan sidii dadka ku nool degmooyinkooda ay nolol wanaagsan u heli lahaayeen. Haddii aanad haysan nolol wanaagsan, waxaa laga yaabaa inaad uga baahato taageero iyo caawimaad adeegga bulshada. Waxay leeyihiin mas'uuliyad gaar ah si ay u hubiyaan in carruurta iyo dhallinyaradu ay helaan nolol wanaagsan markay korayaan.
Adeegga bulshada waxaa ka shaqeeya xoghayeyaal arrimaha bulshada ah. Shaqadoodu waa inay la hadlaan qoysaska dhibaatooyinku haystaan oo ay u soo jeediyaan noocyo kala duwan oo caawimo ah. Haddii qof weyn ama ilmo qoys ka tirsan uu uga baahdo caawino adeegga bulshada, waa wax caadi ah in xubnaha kale ee qoyska ka mid ahina ay iyaguna u baahan yihiin.
Xoghayeyaasha adeegga bulshadu waa inay had iyo jeer dhegaystaan carruurta si ay u noqoto sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah iyaga.
Taageero noocee ah ayey adeegga bulshadu siiyaan carruurta iyo qoysaska?
Adeegga bulshadu siyaabo kala duwan ayey u caawin karaan qoysaska. Waxay ku xiran tahay waxa uu dhibku yahay iyo waxa qoyska iyo ilmuhu u baahan yihiin in laga caawiyo si arrintu ay uga sii fiicnaato. Waxa ugu badan ayaa ah in adeegga bulshada uu bixiyo adeegyo daryeel oo furan – taas oo micnaheedu tahay adeegyo la siiyo carruurta iyo dhallinyarada ku nool guryahooda.
Mararka qaarkood waxay ku saabsan tahay inay ilmaha iyo qoysku u baahan yihiin qof ay kala hadlaan wixii dareen adag keenaya. Qoysaska ay ka dhex jiraan muranada adag iyo khilaafyada badan guryahooda, waxay tusaale ahaan la kulmi karaan qof ka shaqeeya caawinta qoysaska si ay u xalliyaan dhibaatooyinka noocaas ah.
Carruurta, waxa laga yaabaa inay suurtogal tahay in loo sameeyo qof ay xiriir la sameeyaan (kontaktperson) ama qoys ay xiriir la sameeyaan (kontaktfamilj). Waxaa sidoo kale jirta caawimo uu heli karo qofka dhallinyarada ah ee leh dhibaatooyin la xiriira balwadda ama ku lug leh falalka dembiyada ah.
Haddii ay shaqayn weydo inuu guriga ku noolaado, markaa waxaa laga yaabaa inuu ilmuhu u baahdo inuu meel kale ku noolaado muddo. Tan waxaa lagu magacaabaa meelaynta ilmaha. Meelaynta marka hore had iyo jeer waxa loo sameeyaa si ikhtiyaari ah iyada oo lala kaashanayo ilmaha iyo qoyska.
Maxaan sameeyaa haddii aan u arko in adeegga bulshadu ay aniga, ilmahayga ama qoyskayaga si khaldan ula dhaqmayaan?
Marka hore, waxaad la xiriiri kartaa qofka kiiska gacanta ku haya. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa qofka kiiska gacanta ku hayo sheefkiisa ama qofka madaxda u ah. Haddii aad u aragto inay khaladaad ka jiraan adeega bulshada gudihiisa, waxaad la xiriiri kartaa xannaanada iyo daryeelka (IVO), oo ah hey’ad korka ka ilaalisa adeegga bulshada.
Miyuu qofku qarsoodi noqon karaa markuu adeegga bulshada la xiriirayo?
Haddii aad rabto inaad qarsoodi ahaato, waxaad dooran kartaa inaad qariso lambarka telefoonkaaga markaad wacayso. Ama waxaad iimayl ka soo diri kartaa ciwaan iimayl ah oo aanu magacaagu ku jirin.
Waalidnimada iyo taageerada waalidiinta
Waa maxay mas'uuliyadda waalidka ka saaran caruurtooda?
Waalidiinta ayaa mas'uuliyadda ugu weyn iska leh inay carruurtoodu caafimaad qabaan oo ay si ammaan ah u koraan. Waxay sidoo kale mas'uuliyadi ka saaran tahay tarbiyaddooda iyo inay xaduudo u sameeyaan si ku habboon carruurta.
Waa kuwee xuduudaha aad u samayn karto carruurtaada?
Waalidiintu dhammaantood waxay la kulmi karaan inay waalidnimadu tahay mid adag oo caqabado leh, isla markaana ay adag tahay in la ogaado marka carruurta lagu oranayo haa ama maya. Carruurtu waxay u baahnaan karaan xorriyad iyo xuduudo labadaba si loo daboolo baahiyahooda iyo xuquuqdooda. Waa muhiim in la ogaado marka carruurtaada lagu oranayo maya sida ay iyaduna muhiim u tahay marka lagu oranayo haa.
Xuduudaha uu ilmuhu u baahan yahay si guud loogama jawaabi karo Xaduuduhu waxay u baahan yihiin in la waafajiyo ilmaha gaarka ah, waxayna ku xiran tahay arrimo ay ka mid yihiin da'da iyo bisaylka ilmaha.
Waalidiintu waa in aanay carruurtooda ku xad-gudbin ama aanay ku muquunin xoog ama cadaadis. Taas macnaheedu waxa weeyey in aadan carruurtaada dilin, u hanjabin ama aanad si xun ula hadlin. Carruurtu waa inay had iyo jeer dareemaan ammaan si ay runta u sheegaan oo ay fikradahooda ula wadaagaan waalidkood.
Haddii aad u aragto inay wax ku adag yihiin dhinaca waalidnimadaada, adeegga bulshadu waxay diyaar u yihiin si ay kaaga taageeraan adiga.
Waa maxay caawimaadda ay waalidiintu ka heli karaan adeegga bulshada?
Sida caadiga ah ayaa ah in qoyska loo oggolaado inay la hadlaan qof jooga adeegga bulshada. Xoghayaha arrimaha bulshada ayaa dhageysta oo siiya talooyin ku saabsan waxa u baahan in la beddelo si qoysku uu u dareemo wanaag oo xaaladaha gurigu ay si fiican ugu shaqeeyaan.
Mararka qaarkood waalidiintu waxay u baahan karaan caawimo si qof walba oo qoyska ka mid ahi uu u dareemo wanaag. Tusaale ahaan, waxay u baahan karaan caawimaad si ay u joojiyaan cabista khamriga ama si ay lacagtoodu u noqoto mid ku filan. Haddii buuq badani uu ka jiro guriga, waxaa laga yaabaa inay u baahdaan caawimo.
Degmooyin badan ayaa bixiya kooxo waalidiin ah iyo waxbarashooyin waalidnimo. La xiriir xafiiska adeegga bulshada ee degmadaada si aad u ogaato waxa laga heli karo meesha aad ku nooshahay.
Ku saabsan dacwadaha walaaca (orosanmälningar)
Waa maxay dacwada walaacu?
Haddii qof uu ka welwelo in ilmo uu ku jiro xaalad aan wanaagsan, waa in qofkaasi uu arrintaas u soo sheegaa adeegga bulshada. Tusaale ahaan, waa loo soo qori karaa ama la soo wici karaa si loogu sheego ilmaha ay khuseyso iyo sababta uu qofku uga welwesan yahay. Tan waxa loo yaqaanaa inuu qofku sameeyo dacwada walaaca.
Dhammaan dadku waxay u samayn karaan dacwada sidan oo kale ah, tusaale ahaan, wuxuu qofku noqon karaa qof saaxiib ah, waalid ama qof deris ah oo ku nool meesha aad deggan tahaym qofkaas oo ka welwelsan xaaladda. Laakiin ta ugu caadisan ayaa ah in dacwadu ay ka timaaddo qof ka shaqeeya iskuulka, booliiska, daryeelka caafimaadka, ama meel kale oo inta badan uu ilmaha kula kulmo. Dadkan waxaa ka saaran mas'uuliyad dheeraad ah oo ah inay u sheegaan adeegga bulshada haddii aanu ilmuhu ku jirin xaalad wanaagsan. Sharcigu wuxuu sheegayaa inay waajib tahay inay si degdeg ah u sameeyaan dacwada haddii ay ka welwelsan yihiin ilmaha.
Maxay noqon kartaa sababta uu qof u sameeyo welwel dacwadeed?
Welwelka dacwadu wuxuu adeegga bulshada ku soo gaari karaa sababo kala duwan. Dacwaduhu waxay inta badan ku saabsan yihiin in waalidiintu aanay awoodin inay daryeelaan ilmaha, ama inuu ilmuhu sameeyo waxyaabo khatar ah laftiisa.
Dacwada welwelka waxaa laga yaabaa inay ka timaado qof doonaya xumaan, (tusaale ahaan haddii qof aan i jeclayn aniga, u soo gudbiyo dacwad ku saabsan ilmahayga taas oo ku salaysan xog aan sax ahayn. Maxay adeegga bulshadu samaynayaa markaas?
Markuu qof soo sameeyo dacwada welwel ah, adeegga bulshadu way qaabilaan dacwadaas oo way akhriyaan ama waxay dhageystaan waxa qofka soo gudbiyay uu ka welwelsan yahay. Sida caadiga ah waa inay adeegga bulshadu uu sidoo kale la xiriiro ilmaha iyo waalidka si loogala hadlo waxa ku qoran dacwada. Haddii adeegga bulshadu ay u arkaan in waxa ku qoran dacwada aanay sax ahayn, kiiska waa la soo afjaraa.
Maxaa dhacaya marka adeegga bulshadu ay helaan dacwad welwel ah oo ku saabsan ilmo?
Adeegga bulshadu way qaabilaan dacwadaas oo way akhriyaan ama way dhageystaan waxa qofka soo gudbiyay uu ka welwelsan yahay. Tallaabada ku xigtaa waa in la go'aamiyo haddii welwelku uu yahay mid khatar ah oo ay tahay inay adeegga bulshadu si degdeg ah u difaacaan ilmaha. Tani waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, haddii ilmuhu u baahan yahay in si degdeg ah looga fogeeyo xaalad khatar ah. Laakiin, inta badan carruurta la soo xiriirta adeegga bulshada, ma aha xaalad degdeg ah ama khatar ah. Sida badan waa inay adeegga bulshadu ay sidoo kale la xiriiraan ilmaha iyo waalidka si loogala hadlo waxa ku qoran dacwada. Waxay sidoo kale inta badan la hadlaan qofka soo sameeyey dacwada.
Carruuro iyo qoysaska badan, xiriirka ay la leeyihiin adeegga bulshada wuu dhammaadaa wadahadaladan ka dib. Ama adeegga bulshadu waxay bilaabaan wax la yiraahdo baaritaan horudhac ah. Xaaladda ilmaha ayaa markaa si qoto dheer loo baaraa si loo eego haddii ilmuhu ama qoysku ay u baahan yihiin taageero iyo caawimo uga imanaysa adeegga bulshada. Adeegga bulshadu waxay had iyo jeer ku shaqeeyaan iyagoo qodobka ay ka bilaabayaan uu yahay in dadaalada loo baahan yahay loo bixiyo si ikhtiyaari ah iyadoo lala kaashanayo qoyska.
Miyaa la kaydiyaa dacwada welwelka, qof kalese ma ogaan karaa?
Adeegga bulshadu waa inay kaydiyaa dacwada wakhti cayiman. Laakiin dacwadaha oo keliya ayuun baa keeni kara baaritaan kuwaas ka noqonaya kiisas ay hayaan adeegga bulshadu Dacwadaha welwelku waa kuwo qarsoodi ah. Taas macnaheedu waxa weeyey inay adeegga bulshada kiisaska inta badan ay qarsoodi ka dhigaan.
Haddii ilmaha la meeleeyo
Maxay ka dhigan tahay in ilmo la meeleeyo?
In ilmaha la meeleeyo waxay ka dhigan tahay in adeegga bulshadu ay hubiyaan in ilmaha laga kexeeyo qoyskiisa oo uu ku noolaado meel kale.
Haddii ilmuhu u baahdo in la meeleeyo, adeegga bulshadu waa inuu marka hore isku dayaan inay helaan qoys ku jira shabakada ilmaha - taas oo ah, qof ay hore u yaqaaneen ilmaha iyo qoysku, tusaale ahaan qof qaraabo ah ama saaxiib la ah qoyska.
Haddii ay taasi suurtogal noqon waydo, ilmaha waxa la geyn karaa guri qoys kale oo ay soo jeediyaan adeegga bulshadu.
Guriga qoysku waa qoys ilmaha geynaya gurigooda.
Haddii ilmuhu u baahan yahay in si degdeg ah loo meeleeyo, waxaa si ku meelgaar ah loo sii geyn karaa guriga heeganka. Waa qoys u diyaarsan inay qaabilaan ilmo iyadoo wakhti gaaban la soo ogeysiiyey halkaas oo uu ilmuhu ku noolaan karo muddo gaaban.
Qaar ka mid ah carruurta ama dhallinyaradu waxay u baahan yihiin daryeel ama daryeel/xannaanayn ka badan waxa uu qoysku awoodi karo inuu bixiyo. Waxaa lagu meeleyn karaa guriga daryeelka ama hoyga (HVB), oo ah hoy ay la joogaan shaqaale. Dhallinyarada dhowr iyo toban jirada ah ama dhalinyaro qaan-gaarka ah ee sida fiican isu maamula laakiin u baahan inay helaan shaqaale, waxaa lagu meeleyn karaa hoy taageero ay ka helayaan.
Dadka waaweyn ee u baahan in laga ilaaliyo hanjabaadaha, jir dilka ama dhibaatoyinka kale waxaa lagu meeleyn karaa hoy ilaalo ah. Xitaa carruurta ayaa lagu meeleyn karaa hoy ilaalin ah iyagoo la jooga qofka iska leh mas’uuliyada sharciga ah.
Muddo intee leeg ayaa carruurta badanaa la meeleeyaa?
Aad ayey u kala duwan yihiin. Carruurta qaarkood waxa la meeleeyaa maalin keliya ama wakhti ka yar. Carruuro kale ayaa la meeleeyaa inta ay korayaan oo dhan.
Ma jiraa sharci dhigaya in carruurta lagu meeleeyo isla magaalada qoyskooda?
Adeegga bulshadu waxay isku dayi doonaa inay caruurta ku meeleeyaan meel u dhow gurigooda si aanu u joogsan xiriirkii deegaanka gurigu. Waxaa haboon in ku meeleynta laga sameeyo isla degmada. Laakiin waxaa jira xaalado aanay u wanaagsanayn in carruurta lagu meeleeyo meel u dhow waalidkood, tusaale ahaan haddii carruurta loola wareegay sababo ah xadgudubyo ay u gaysteen qoysku.
Ilmuhu xaq ma u leeyahay in lagu meeleeyo qoys ay isku diin yihiin?
Waa muhiim in carruurtu ay sii haystaan xiriirka ay la leeyihiin meesha ay ka soo jeedaad asalkoodu, luuqadooda iyo dhaqankooda. Adeegga bulshadu waa inay marka hore baaraan haddii ay suurto gal tahay in caruurta lagu meeleeyo guri ku jira shabakadda ku xeersan carruurta Waa inay had iyo jeer ka fiirsadaan waxa u roon ilmaha.
Adeegga bulshada waxa uu xil ka saaran yahay inay u qorsheeyaan meelaynta hab u saamaxaya inuu ilmuhu xidhiidh la yeesho qoyskiisa iyo dadka kale ee muhiimka u ah ilmaha.
Waa maxay sharciyada iyo ilaalinta jirta si loo hubiyo in carruurta la meeleeyey ay wanaagsan yihiin?
Adeegyada bulshada ayaa had iyo jeer mas'uul ka ah hubinta in carruurta la meeleeyey ay helaan daryeel wanaagsan Qoysaska doonaya inay noqdaan qoysaska carruuraha lagu meeleeyo (familjehem) waxaa baara adeegyada bulshada. Qoyska carruurta lagu meeleeyaa waa qoys qaabila oo haya carruurta, kuwaas oo sababo kala duwan dartood aan la noolaan karin waalidkood. Ilmuhu sidoo kale wuxuu ku noolaan karaan guri lagu daryeelo ama hoy (HVB). HVB waa inay ka haystaa oggolaansho ay siiyeen Kormeerka daryeelka iyo xannaanada (IVO) oo ah hey'adda kormeerta adeegga bulshada.
Adeegga bulshadu waa inay sidoo kale si dhow ula socdaan daryeelka carruurta la meeleeyey. Waxaa ka mid ah la hadalka ilmaha, ku booqashada meesha uu ilmuhu ku nool yahay iyo la hadalka qoyska ilmaha lagu meeleeyey ama shaqaalaha iyo dadka iska leh daryeelka iyo mas’uliyada ilmaha. Go'aanka ku saabsan daryeelka khasabka ah waa inay baaran ama dib u eegaan guddiga adeegga bulshadu ugu yaraan lixdii biloodba hal mar. Daryeelka khasabka ah waa in la joojiyaa sida ugu dhakhsaha badan haddii aan loo baahnayn.
Sharciga iswiidhan ayaa dhigaya in qof kasta oo ka war helay, ama ka shakiyey in ilmo ay dhibaato soo gaartay, uu u soo sheego adeegga bulshada. Tani waxay sidoo kale khusaysaa carruurta la meeleeyey Shaqaalaha ku shaqeeya hawlaha u adeegaya caruurta iyo dhallinyarada waa inay isla markiiba soo sheegaan. Shaqaalaha ku sugan HVB ee soo ogaada xaaladaha xun-xun iyo khataraha daryeelka carruurta iyo dhallinyarada way ku khasbab yihiin inay isla markiiba u sheegaan arrintaas qofka ka mas'uulka ah ama sheefka meesha.
Waa maxay shuruudaha lagu xirayo guryaha qoysaska ee qaabila carruurta la meeleeyo?
Guriga qoysku waa inuu leeyahay xaalado u oggolaanaya inuu bixiyo daryeel ammaan ah oo badbaado u leh carruurta. Guriga qoysku waa inuu sidoo kale lahaadaa shuruudaha lagu daboolayo baahiyaha gaarka ah ee ilmaha. Adeegga bulshada ayaa baaraya in guryaha qoysaska carruurta la geynayaa ay buuxiyaan shuruudaha waana inay si dhow ula socdaan daryeelka.
Immisa ayaa la siinayaa qofka loo geeyo carruur ee noqda guri qoys?
Waxaa arrintaas go'aaminaya iyadoo la tixgelinayo baahida ilmo kastaa uu qabo iyo dadaalka lagu bixinayo iyo markaa shaqada gaarka ah ee laga rabo guriga qoyskaas ilmaha haya. Waxaa jira talooyin qaran oo ku saabsan lacag bixinta oo ay daabaceen degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan (SKR), waa ururka ka socda degmooyinka.
Waa maxay LVU?
LVU waa sharci iswiidhish ah oo loo soo gaabiyey sharciga (1990:52) oo leh xeerar gaar ah oo khuseeya daryeelka dhalinyarada. Sharcigu wuxuu bulshada iswiidhishka ah siinayaa fursad iyada oo loo marayo adeegga bulshada si loo ilaaliyo carruurta iyo dhallinyarada ka yar 21 sano Laakiin caawimada ugu badan ee adeegga bulshada ay siiyaan carruurta iyo waalidka waa mid ikhtiyaari ah, sidaas darteed adeegga bulshadu uma baahna inay isticmaasho go'aamada ku saabsan LVU-ga?
Intee in leeg ayuu LVU-gu jiray?
Sharciga maanta khuseeyaa wuxuu soo baxay sannadkii 1990, laakiin Iswiidhan waxay horey u lahayd sharciyo nidaaminayey la wareegida carruurta xitaa wakhtiyadii hore.
Goorma ayey adeegga bulshada u noqon kartaa mid ku habboon inay la wareegaan carruurta?
Go'aanka ku saabsan la wareegida ilmaha sida uu qabo LVU waa inay ku salaysan tahay inay jirto halis muuqata oo dhaawacaysa caafimaadka ama horumarka ilmaha. Waxay noqon kartaa arrimo la xiriira xaalado xun-xun oo guriga ka taagan ama dabeecadda ilmaha laftiisa. Jirdil ama inay si xun ula dhaqmaan qoysku waa tusaale ka mid ah, mid kale ayaa ah marka ilmaha naftiisa halis isku geliyo, isticmaalka mukhaadaraadka ama uu dembiyo sameeyo. Shuruud kale ayaa ah in la saadaaliyo, ama ay adeegga bulshadu ogaadaan, in waalidiinta iyo ilmuhu aanay oggolaanayn daryeelka.
Immisa carruur ah ayaa sannad kasta Iswiidan lala wareegaa?
Sannadkii 2023kii, go'aamada daryeelka khasabka ee ku saabsan carruurta sida uu qabo LVU-gu waxay qiyaastii ahaayeen 3 500 oo carruur iyo dhallinyaro ah dalka oo dhan ah. Markaas waxaa ku jira la wareegida degdegga ah ee carruurta iyo go'aamo kale oo ku saabsan daryeelka LVU-ga.
Diintu miyey sabab u noqon kartaa in ilmaha lala wareego?
Maya, diintu sabab uma noqon karto in ilmaha lala wareego. Go'aanka ku saabsan la wareegida ilmaha sida uu qabo LVU waa inay ku salaysan tahay inay jirto halis muuqata oo dhaawacaysa caafimaadka ama horumarka ilmaha. Waxay noqon kartaa arrimo la xiriira xaalado xun-xun oo guriga ka taagan ama dabeecadda ilmaha laftiisa.
Sidee ayey noqotaa markuu adeegga bulshadu go'aan ka gaaro qaadashada ilmaha, booliisku miyuu ku lug leeyahay tusaale ahaan?
Waxay ka bilaabataa markuu adeegga bulshadu si kastaba ha ahaatee ay helaan macluumaad ku saabsan in ilmo uu ku jiro xaalad khatar ah ama uu halis ugu jiro inay waxyeelo soo gaarto. Markaas adeegga bulshada waxaa saaran waajibaad ah inay baaraan baahida, taageerada iyo ilaalinta ilmaha. Shaqadaas waa inay ku salaystahay waxa ugu fiican ilmaha.
Haddii loo baahan yahay in ilmaha la ilaaliyo oo si degdeg ah loo meeleeyo, oo aanay dadka mas’uuliyiinta ahi oggolaanin arrintaas, markaa adeegga bulshadu waxay awood u leeyihiin inay go'aan ka gaari karaa in ilmaha si degdeg ah loola wareego. Taas macnaheedu waxay tahay in ilmaha la daryeelo oo isla markiiba la meeleeyo iyadoon aanay dadkii mas’uuliyiinta ahaa ogolayn. Maxkamaddu waa inay markaas go'aan ka gaarto in go'aankii guddiga arrimaha bulshadu uu dhaqan galeyo iyo in kale. Guddiga arrimaha bulshadu waxay haystaa fursad inay caawimo ka helaan booliiska la wareegida ilmaha, laakiin waa haddii loo baahdo oo keliya.
Haddii xaaladdu aanay ahayn mid degdeg ah, laakiin adeegga bulshadu uu weli qiimeeyo inuu ilmuhu u baahan yahay daryeel khasab ah, adeegga bulshadu wuxuu codsi u gudbinayaa maxkamadda. Maxkamaddu waxay markaas go'aan ka gaaraysaa haddii ay jiraan sababo taageeraya daryeelka iyadoo la adeegsanayo LVU.
Ma khasab ayey noqonaysaa in dhammaan walaalaha qoyska lala wareego haddii xaaladda qoysku aanay wanaagsanayn?
Waxay ku xiran tahay xaaladda. Adeegga bulshadu waxay had iyo jeer qiimaynayaan kiiskaa gaarka ah, taas oo macnaheedu tahay ilmaha kasta. Haddii ay jirto khatar muuqata oo caafimaadka ama horumarka ilmaha uu ku dhaawacmayo, oo aanay jirin oggolaansho ku saabsan daryeel ikhtiyaari ah, adeegga bulshadu waa inay go'aan ka gaaraan daryeelka sida uu qabo LVU. Adeegga bulshada waa in aanay sugin inay wax ka qabtaan ilaa intuu ilmuhu ka dhaawacmayo.
Waalidiinta aan ku hadal luqadda iswiidhishka ma heli karaan caawinaad turjubaan marka ilmaha lala wareegayo?
Haa, adeegga bulshadu waa khasab inay adeegsadaan turjubaan sida hey'addaha kale ee iswiidhishka haddii ay la xiriiraan qof aan ku hadlin luqadda iswiidhishka. Sidoo kale waa in la turjumo dukumiintiyada muhiimka ah ee la qoray haddii loo baahdo.
Maxay waalidiintu samayn karaan haddii ilmahoodu la qaado? Rafcaan ma ka qaadan karaan iyagu go'aanka?
Haa, waalidiintu rafcaan way ka qaadan karaan go'aanka daryeelka khasabka ah ee ilmahooda. Had iyo jeer maxkamad ayaa go'aaminaysa haddii ilmuhu lala wareegayo. Waalidiintu rafcaan way ka qaadan karaan go'aanka maxkamadda.
Ilmaha iyo dadka mas'uuliyiinta ahiba waxay xaq u leeyihiin inay helaan qareen dadweyne, taas oo macnaheedu tahay kaalmada dhinaca sharciga ah ee ay dawladdu bixiso. Sida ugu dhakhsaha badan ee aan daryeelka khasabka ah loogu baahnayn, waa in loo joojiyaa. Go'aanka ku saabsan daryeelka khasabka ah waa inay baaran ama dib u eegaan guddiga arrimaha bulshadu ugu yaraan lixdii biloodba hal mar.
Goorma ayuu ilmuhu dib ku soo noqonayaa qoyskiisa, sidoo kale ma loo ogolyahay inuu ilmuhu ka qaybqaato go'aanka la gaarayo?
Sida ugu dhakhsaha badan ee aan daryeelka loogu baahnayn ayaa loo joojinayaa sida uu qabo LVU.
Haddii ilmuhu weli u baahan yahay daryeel, meelayntu waxay ku sii socon kartaa si ikhtiyaari ah iyadoo lala kaashanayo sharciga adeegga bulshada (2001:453), SoL. Qodobka laga duulayo ayaa ah inuu ilmuhu uu la midoobo oo lagu soo celiyo waalidkiis marka ujeeddada daryeelka la gaaro. Meelayntu waa in aanay iska sii socon in ka badan intii loo baahnaa.
Haddii ay jirto khatar muuqata oo ah caafimaadka ama horumarka ilmaha ay waxyeello soo gaarayso haddii uu ka guuro gurigii qoyska hayey, adeegga bulshada ayaa go'aamin kara in ilmaha aan loo oggolaanin inuu guuro. Go'aanka noocaas ah waxaa mar walba la gaaraa iyadoo la tixgelinayo danaha carruurta. Ilmuhu wuxuu had iyo jeer xaq u leeyahay inuu helo macluumaadka khuseeya oo uu helo fursad uu ku soo bandhigo aragtidiisa.
Anigu lamaan kulmin ilmahayga dhowr sannadoood, miyey go’aamin karaan deegga bulshadu taas?
Adeegga bulshadu wuxuu mas'uul ka yahay inay hubiyaan in baahida ilmaha ee wada socodka waalidiinta iyo mas’uuliyiinta (umgänge) ay la kulmaan ilaa intii suurtogal ah. Laakiin haddii ay lagama maarmaan tahay iyadoo la eegayo xaaladda, adeegga bulshadu waxay go'aamin karaa in wada socodka la xaddido. Xaaladaha qaarkood ee aan caadiga ahayn, adeegga bulshadu waxa kale oo laga yaabaa inay u baahdaan inay ka qariyaan meesha uu ilmuhu joogo waalidiinta ama dadka mas’uulyiinta ah.
Waalidiintu ma heli karaan caawimo si ay carruurtooda ugu soo noqdaan gurigooda?
Adeegga bulshadu waa inay siiyaan mas'uuliyiinta iyo waalidiinta carruurtooda la meeleeyey taageerada iyo caawimada kale ee ay u baahan yihiin. Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa bixinta tababbarka waalidnimada, taageerada wada hadalka, taageerada doorka waalidnimada iyo taageero ku saabsan la xidhiidhka dadka carruurtooda daryeesha.
Ku saabsan mamnuucidda safaradda dibadda
Waa maxay mamnuucidda safarada dibaddu?
Xeerarka mamnuucidda safarada ee ku jira sharciga (1990:52) ee leh qodobo gaar ah oo ku saabsan daryeelka dhalinyarada, LVU, ayaa jiray tan iyo 2020. 1dii juun 2024, xeerarka mamnuucidda safarada ayaa la ballaariyay, si kor loogu qaado fursadaha bulshada ee ah ilaalinta carruurta si aan loogu u waxyeelayn dalalka dibadda.
Waa maxay sababta ay u jiraan mamnuucida safarada dibaddu?
Mamnuucidda safarrada dibadda wuxuu macnahiisu yahay in ilmaha laga hor istaagayo inuu ka baxo Iswiidhan, iyadoo tusaale ahaan laga xannibayo/laga xiro oo lagala noqdo baasaboorka ilmaha.
Mamnuucidda safarrada dibadda waxaa loo isticmaali karaa si carruurta looga ilaaliyo, tusaale ahaan safarrada tarbiyadda, gudniinka fircooniga ah, isku dayga dib u beddelka diinta ama aragtida nolosha iyo safarrada loogu talagalay kooxaha argagixisada iyo meelaha colaaduhu ka taagan yihiin. Sidoo kale waxaa la isticmaali karaa haddii uu ilmuhu halis u yahay in la geeyo waddanka dibaddiisa ama laga kaxeeyo Iswiidhan si loogu soo guuriyo.
Sidee loo gaaraa go'aanka ku saabsan mamnuucidda safarrada dibadda?
Adeegga bulshada ayaa ka codsan kara mamnuucidda safaradda dibadda maxkamadda maamulka, taas oo gaaraysa go'aanka. Waa inay jiraan duruufo gaar ah oo ka dhigaya in adeegga bulshadu ay qiimeeyeen inuu ilmuhu halis u yahay safarka dibadda.
Haddii xaaladu ay degdeg noqoto, oo ilmuhu uu halis u yahay in laga dhoofiyo Iswiidhan inta aanay maxkamaddu gaadhin go'aan ka hor, markaa guddida arrimaha bulshada ayaa go'aansan kara mamnuucidda safar dibaddeed oo ku meelgaarka ah. Go'aankaas waa in markaas ay ansixiso maxkamaddu.
Maxaa dhacaya marka go'aan mamnuucidda safarka dibadda la gaaro?
Marka lagaaro go'aan ku saabsan mamnuucid safar dibaddeed ama mamnuucid safar dibaddeed oo ku meelgaarka ah, maxkamadda ama adeegga bulshada ayaa nuqul ka mid ah go'aanka u diraya booliiska. Boolisku markaas wuu xannibi karaa joojin karaa oo dib ula soo noqon karaa baasaboorka ilmaha. Sidoo kale dadka haysta baasaboorada ajnabiga ah ayaa laga xannibi karaa. Baasaboor cusub oo iswidhish ah lama bixin karo ilaa iyo inta mamnuucidda safarka uu khuseeyo.